Explorations in History and Society

 

Taariikhda sheekh xasan barsane oo kooban

Imaam Sheekh Xasan Sheekh Nuur Sheekh Axmed
“ Sheekh Xasan Barsane “ ( 1853 – 1927 )Sheekh Xasn Sheekh Nuur Sheekh Axmed oo lo yiqiin Sheekh Xasan Barsane wuxuu dhashay sanadka markuu ahaa 1853, wuxuuna ku dhashay tuulada loo yaqaan Ubaadi oo u jirta qiyaas ilaa 68Km magaalada Jowhar, Gobolka Shabeelaha Dhexe, Soomaaliya.

Continue reading

Wadaad Iyo Siyaasad Maxaa Kala Heysta? Maqaal Aanu Qornay July 7 2012.

image

Maqaalkan waxaan qornay July 7 2012, bal is barbar dhiga waxa aan qornay iyo xaalada maanta Masar ka taagan.

Tan iyo markii ay burburtay dowladdii Islaamiga aheyd ee ka dhisneyd Istanbul, Turkiya waxa soconayay isku day ay Islaamiyiintu ku doonayaan inay dib usoo celiyaan dowladd Islaami ah oo ku dhaqanta Shareecada Islaamka. Lakin boqol sanno ku dhawaad waxa fashil ku dhamaanayay mar walba isku daygaas, kadib markii Islaamiyiinta ay hormuudka u ahaayeen ururka Ikhwaan Muslimiin ay qaadayeen mar walba talaabo qaldan oo iyaga dhabar jab ku noqota. Waxa ugu weyn fashilkaas talaabooyinkii ay qaadeen ururadii hubeysnaa ee Ikhwaan Muslimiinka ee ka jiray Aljeeriya, Suuriya, Masar, Liibiya, Sucuudiga, Afgaanistaan iyo Soomaaliya oo iyagu ugu dhawaa maamul iyo dhul ay gacanta ku dhigeen, laakin wax qabadkoodii uu dhaafi waayay guurka dumarka iyo gowraca ragga.

Continue reading